MW-XASAN SHEEKH OO LA SHIRAY SARAAKIISHA CIIDAMADDA.
(SAWIRKA)-MW-XASAN OO LA SHIRAY SARAAKIISHA CIIDAMADDA.
(MUQDISHO)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Xasan Sheekh Maxamuud ahne taliyaha Guud ee Ciidamadda Qalabka Sida ayaa kulan ku saabsan dardargelinta hawlgaladda xoreynta dalka waxa uu kula qaatay Xarunta Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed,kulanka ayaa waxaa qeyb ka ahaay saraakiisha hogaamineysa hawlgaladda,taliyeyaasha Ciidamadda Qalabka Sida iyo Wasiirka G/dhiga XFS Md.C/qaadir Maxamed Nuur(jaamac). Madaxweynaha ayaa bogaadiyey naf hurnimada geesiyaasha Soomaaliyeed ee isu taagay xoreynta degaanadda ey Argagixisada kaga harsan yihiin dalka,MW-Xasan ayaa xusay in si deg deg ah la isugula xisaabtamo arrimaha la xiriiro dagaalkan,maadama uu aasaas u yahay jiritaan dawladnimada Soomaaliyeed. “Mar walba cadawga waa la jebiyaa,markaan waxaan rabnaa in eysan Alshabaab dib ugu soo laaban degaanadda looga adkaado lagana saaray, waxaan dooneynaa in cadawga goobaha laga saaro la hubiyo si eysan dib ugu soo laaban”. MW-Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay in DFS ey ka go’an tahay cirbtirka Argagixisada, dadaaladii looga mira dhallin lahaayne ey bud-dhig u yihiin hogaan wanaaga Saraakiisha hurmuudka u ah hawlgaladda,waxa uuna sheegay MW-Xasan in iskaashiga iyo la shaqeynta shacabka ey door weyn ka qaadaneyso dagaalka dalka lagu xureynaayo iyo sugidda amniga caasimadda iyo degaanadda ku hareereysan.
ISHA/VILLA SOMALIA.