MW-XASAN SHEEKH OO LA KULMAY CULIMADA SOOMAALIYEED.
(SAWIRKA)-MW-XASAN IYO CULIMADA SOOMAALIYEED.
(MUQDISHO)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan wada tashi ah waxa uu Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya kula yeeshay Culimadda Soomaaliyeed,MW-Xasan ayaa uga warbixiyey mudnaanta uu siinaayo in dalka laga xoreeyo Argagixisada Alshabaab,xoojinta midnimada iyo xal u helida caqabadaha dib u dhigay dalkeedna Soomaaliya. MW-Xasn Sheekh ayaa Culimada Soomaaliyeed ku bogaadiyey sida ey uga go’an tahay muujinta been abuurka ka dhanka ah Diinteena Suuban ee islaamka oo Argagixisadu ey ku xlaashadeen dhiiga dadkeena,waxa uuna MW-Xasan xusay doorka taariikhiga ah ee Culimada Soomaaliyeed ey ku leeyihiin toosinta dawladnimada Soomaaliyeed iyo difaac dalka Hooyo. MW-Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in dagaalka socdo ee dalka lagaga xureynaayo Argagixisada Alshabaab ey lafdhabar u yihiin Culimada Soomaaliyeed oo ah dhaxal dhawrayaasha diinteena suuban,waxa uuna MW-Xasan Culimada la wadaagay sida ey muhiim u tahay iney cilmigooda iyo codkoodaba ku garab istagaan halganka wadajirka ah ey wadaan Ciidamadda Qalabka sida ee Soomaaliyeed oo kaashanaayo dadka degaanka. Culimadda ayaa MW-Xasan la wadaagtay talooyin ku aadan dawlad dhiska,horumarinta dalka iyo la dagaalanka fikirka Xagjirnimada,Culimada ayaa soo bandhigtay sida ey u garab taagan yihiin dadaalka ey wado DFS,kulanka ayaa waxaa ka qeybgalay Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee DFS Md.Mukhtaar Roobow (Abu-Mansuur) iyo masuuliyiin ka socotay Haydda Culimaa’udiinka Soomaliyeed.
ISHA/SB-MEDIA.