MW-XASAN SHEEKH OO KHUDBAD KA JEEDIYEY…
(SAWIRKA)-MADAXWEYNE XASAN SHEEKH.
(MUQDISHO)-Wararka aan ka heleyno caasimadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaayo in maanta oo Jimca ah uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud khudbad kooban ka jeediyey Masaajidka Madaxtooyada,khudbada MW-Xasan ayaa waxaa ka mid ahayd codsi uu u soo jeediyey shacabka Soomaaliyeed kaaso ahaay in cadawga Alshabaab la iska dulqaado si dalka Soomaaliya uu u noqdo mid nabad ah kana caagan Argagixisada caalamiga ah, MW-Xasan ayaa shacabka Soomaaliyeed kula dardaarmay iney isu dulqaataan,isuna tanaasulaan isna kaashadaan. MW-Xasan ayaa hadda u ololeynaayo sidii dastuurka ku meel gaarka ah ee dalka Soomaaliya wax looga bedeli lahaay isla markaasne looga dhigi lahaay dastuur dhammaystiran.
ISHA CAASIMADA.