MW-XASAN SHEEKH OO KA QEYBGALAY SHIRKA KAMPALA.
(SAWIRKA)-SHIRKA MADAXDA AFRIKA.
(KAMPALA-UG)-Wararka aan ka heleyno caasimadda dalka Ugaandha ee Kampala ayaa sheegaayo inuu halkaasi maanta gaaray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Dr.Xasan Sheekh Maxamud,waxa uu halkaasi uga qeybgelay Shirka sare ee Barnaamijka Horumarinta Beeraha ee Qaaradda Afrika ee CAADP. Madasha oo ey maalmahaan fadhiyeen Wasaiiradda Beeraha ee Afrika ayaa haatan Hogaamiyeyaasha Qaaradda Afrika waxa ey kaga wada hadleen fulinta qorsheyaasha iyo talaabooyinka la soo saaray ee ku aadan Horumarka wax soo saarka beeraha,kor u qaadista dhaqaalaha iyo xaqiijinta amniga cuntada ee Qaaradda Afrika. MW-Xasan Sheekh Maxamud ayaa khudbad muhiim ah ka jeediyey shirka waxa uuna soo bandhigay sida ey Soomaaliya uga go’an tahay in la horumariyo wax soo saarka beeraha iyo in laga faa’iideysto kheyraadka dabiiciga ah ee dalka. Dhinaca kale,MW-Xasan Sheekh iyo wafdigiisa ayaa kulan doceedyo la qaatay dhigooda dalalka ka soo qeybgalay shirkaan,si loo xoojiyo doorka diblomaasiyadeed ey Soomaaliya ka qaadaneyso Qaaradda Afrika.
ISHA-VILLA SOMALIA.