SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

MW-XASAN SHEEKH OO KA QEYBGALAY DABAAL DEGGA…

(SAWIRKA)-CIIDAMADDA XOOGA DALKA SOOMAALIYEED.

(MUQDISHO)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Dr.Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeybgalay xuska sannad guuradda 64-aad ee Xurnimadda iyo Midnimadda dalkeyna Soomaaliya,waxa uuna MW-Xasan shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay iney xoojiyaan Wadajirka Xajistaane dhaxalka Awooweyaashooda. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ahne taliyaha guud ee Ciidamadda Qalabka Sida ayaa salaan sharaf kaga qaatay Taaladda Daljirka Daahsoon ee magaaladda Muqdisho cutubyo ka tirsan Ciidamadda Qalabka sida oo gaardis ku soo maray qeybo ka mid ah magaaladda Muqdisho,waxa uuna MW-Xasan Ubax dhigay Taaladda Daljirka Daahsoon kaaso lagu maamuusaayo Halyeeyadii Soomaaliyeed ee naftooda iyo maalkoodaba u huray Gobonimadda Soomaaliya. Dabaal degga munaasabadaan ayaa waxaa ka qeybgalay diyaaradah Qumaatiga u kaco ee Ciidamadda Cirka,Gawaaridda Gaashaaman,Gaadiidka dagaalka oo kala duwan ee ciidanka Xooga dalka Soomaaliyeed iyo ciidanka Booliska Soomaaliyeed,dhammaan ciidamadda qalabka sida ee dalka Soomaaliya ayaa soo bandhigay sida ey ugu diyaarsan yihiin difaac qarankeena,ilaalinta Amnigeena,Midnimadeena iyo Gobanimada dalkeena.

ISHA/SNTV.