SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

MW-XASAN SHEEKH OO CASHO SHARAF U SAMEEYEY…

(SAWIRKA)-MW-XASAN OO LA KULMAY BJFS.

(VILLA SOMALIA)-Wararka aan ka heleyno Xarunta Madaxtooyadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegaayo in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu caawa kulan casha sharaf ah ku martiqaaday Gudoonka labada Aqal iyo Xildhibaanada labada Aqal ee BJFS, waxaane weli natiijo eysan ka soo bixin Shirkii Madasha Wadatashiga Qaran ka dib markii uu isaga baxay Madaxweynaha Maamulka Jubaland Md.Axmed Madoobe,waane midaas tan uu ka dhashay dib u dhaca iyo in shirka laga soo saaro go’aano masiiri ah eyna mid yihiin Doorashooyinka dalka ka dhacaayo ka hor inta aan la soo xirin kalfadhiga shanaad ee BJFS oo hadda gabgaba ah. Ma la hubo iney aqbali doonaan Gudoonka labada Aqal ee BJFS iyo Xildhibaanada in muddo kordhin lagu sameeyo kalfadhiga shanaad ee dhawaan soo xirmaayo. Warar ayaa sheegaayo in Madaxweyne Xasan Sh.Maxamuud uu Xildhibaanada ka codsan doono iney Ansixiyaan Sharciga Doorashooyinka,Sharciga Ururada iyo Xisbiyadda,Sharciga Gudiga Doorashooyinka Qaranka,si qorshaha XFS u noqdo mid bilawday,waxaa lagu wadaa in kulanka ey iyagana qeyb ka noqon doonaan Madaxweyanayaasha Galmudug,H/shabeele,K/Galbeed iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir. Meel marinta Doorsahada Qof iyo Cod ey garwadeenka ka tahay DFS ayaa waxaa hareer socdo qorshe ah muddo kordhin loo sameynaayo maamulada xubnaha ka ah DFS ee fadhiya caawa Madaxtooyadda. Sida la filaayo War Murtiyeedka soo bixi doono ayaa lagu xusi doonaa waqtiga ey dhecayaan Doorashooyinka Golayaasha Degaanka waxaane loo cayimay iney dhacaan Luuliyo-2025-ka,Doorashada Madaxda Dawlad Goboleedyadana waxaa loo asteeyey iney dhacaan taariikhdu markeey tahay 1/11/2025-ka,waxaase weli aan la mudeyn Doorashada Madaxweynaha ee heer Federaal taaso la sheegay in MW-Xasan uu codsaday in dib loogu dhigo bacdamaa uusan muran ka taagneyn muddo xileedkiisa ku eg sannadka 2026-ka,waxaane la isla gartay ayaa la leeyahay in Doorashada Madaxweynaha heer Federaal in la qabto Bisha Meey-2026-ka,laakinse waxaa waqtiyeynta iska leh Gudiga Doorashooyinka kaaso wax ku deri kara waqtigaas. Warar aan la xaqiijin ayaa iyagana sheegaayo in MW-Xasan uu cashadii caawa ka sheegay inuu diyaar u yahay inuu la hadlo Madaxweynayaasha Dawalad Goboleedyadda maqan ee kala ah Jubaland iyo Puntland.

ISHA-SB-MEDIA.