MW-XASAN SHEEKH OO CASHA SHARAF U SAMEEYEY…
(SAWIRKA)-MW-XAAN OO CASUMAY GUDOONKA IYO XILDHIBANADA LABADA AQAL.
(MUQDISHO)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Xasan Sh.Maxamuud ayaa caawa kulan casho sharaf ah la qaatay Gudoonka iyo Xildhibaanada labada aqal ee BJFS isagoo u gudbiyey codsi ku saabsan kulan gaar ah oo uu ku hortegaayo Fadhiga Baarlamaanka. Munaasabadda caawa waxaa ka qeybgalay Reysal Wasaaraha XFS Md.Xamse Cabdi Barre iyo ku Xigeenadiisa iyo Madaxweynayaasha Dawlad Goboleedyada Galmudug Axmed QoorQoor, K/Galbeed C/casiis Laftagareen, H/shabeel Cali Guudlaawe. Madaxweyne Xasan Sh.Maxamuud ayaa bogaadiyey Madaxda Dawlad Goboleedyada ka qeybgalay shirka Madasha Wadatashiga Qaran kaaso lagaga arrinsanaayey aayaha iyo Horumarka dalkeyna gaar ahaan dhammaystirka dib u xoreynta degaanada weli ku jira gacanta kooxda Argagixisada ee ALshabaab,adkeynta Amniga,Dib u dhiska Ciidamadda Qalabka Sida ee Soomaaliya iyo Xoojinta Himiladda shacabka Soomaaliyeed ee Doorashada Hogaankooda. “Walaalaha naga aragtida duwan waan la hadleynaa,haddii ey inoo ogolaadaane waan u tegaynaa,haddii kalena wey inoo imaanayaan. Wadajir iyo Midnimaan rabnaa. Maanta dalkeyna waxaa u furan fursado waa weyn oo ey ku gaari karaan rajadooda,waxaan si wadajir ah uga shaqeyneynaa adkaynta Amniga dalka,dhammaystirka dib u xoreynta degaanada ey ku dhuumaaleysanayaan Argagixisada iyo xaqiijinta Soomaaliyada ey inaga sugayaan shacabkeyna”. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa xusay doorka muhiimka ah ey Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya qaateen mudadii la soo dhaafay,iyagoo dhexda u xirtay Qabya-tirka Dastuurka,Difaaca iyo Adkeynta Midnimada dalka,waxa uuna adkeeyey rajada shacabka Soomaaliyeed ee ku aadan Horumarinta Dawladnimada.
ISHA-VILLA SOMALIA.