MW-XASAN SHEEKH MAXAMUUD OO GAARAY KAMPALA UGANDA.
(SAWIRKA)-MW-XASAN SHEEKH OO GAARAY KAMPALA-UGANDA.
(MUQDISHO)-Wararka ka imanaayo caasimadda Soomaaliya ee Muqdiso ayaa sheegaayo in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudaen Dr.Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminaayo ey gaareen magaaladda Kampala ee ah caasimadda dalka Ugandha,halkaas oo ey uga bilaabatay safar shaqo. Madaxweynaha ayaa mudada uu joogo dalka Ugandha waxa uu kulan gaar ah la yeelan doonaa dhigiisa dalkaas Yowei Kaguta Museveni oo uu kala hadli doono xoojinya xiriirka laba geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Ugandha,qorshaha kala guurka ee hawlgalka ATMIS,iskaashiga dhinacyada Amniga iyo ilaalinta Xasilloonida Gobolka. Safarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Dr.Xasan Sheekh Maxamuud ee dalka Ugandha ayaa qeyb ka ah booqashooyin is xig-xiga oo uu maalmaha soo socdo ku kala bixin doono wadamadda ey ciidamadda ka joogaan Soomaaliya,isaga oo Madaxda dalalkaas kala hadli doona arrimo ku saabsan qorshaha kala guurka hawlgalka Midawga Afrika ee Soomaaliya.
ISHA-VILLA SOMALIA.