MW-XASAN SHEEKH MAXAMUUD OO CAAWA GAARAY DALKA KENYA.
(SAWIR)-KA. KULANKII LABADA MADAXWEYNE EE AQALKA MADAXTOOYADA KENYA.
(NAIROBI-KENYA)-Wararka ka imaanayo caasimadda dalka Kenya ee Nairobi ayaa sheegaayo in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Xasan Sheekh Maxamuud uu la kulmay dhigiisa dalka Kenya Md.William Ruto ka dib markii uu caawa fiidkii soo gaaray dalka Kenya. Intii lagu guda jiray kulan tete-a-tete ah oo ka dhacay Aqalka Madaxtooyadda ee magaaladda Nairobi,labada Hogaamiye ayaa ka wada hadlay sii wanaajinta Iskaashiga Istaraatiijiyadeed ee dhinacyadda badan leh ee Soomaaliya iyo Kenya,kaaso ey saldhig u tahay danaha wadaaga ah ee Horumarinta Xasiloonidda Gobolka iyo Barwaaqadda. Waxaa la filaa in labada masuul ey ka wada hadli doonaan arrimo la xiriiro arrimaha Ganacsiga Bariga Afrika ey ku wada jiraan labada dal Soomaaliya iyo Kenya ee EAC-da,waxaa kaloo labada dal dhibaato baaxad weyn ku haayo Argagixisadda Geeska Afrika ee Alshabaab taaso labadaan dal Soomaaliya iyo Kenya fara kulul ku haayo,waxa eyna kooxda ALshabaab ku dishay labadaan dal dad gaaraayo ilaa kumanaan qof oo u bada shacab aan waxba gaysan si nabad ahne ugu noolaay dhulkooda. Iskaashiga Amni ey kala saxiixdeen labada dal Soomaaliya iyo Kenya ayaa noqday mid mira dhal ah natiijadii ka soo baxdayne waxa ey hoos u dhigtay dhibaatooyinka Argagixisadda Alshabaab ey ka gaysan jirtay gudaha labada dal gaar ahaan caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho iyo Goblka W/Bari ee dalka Kenya.
ISHA/SONNA.