MW-XASAN SHEEKH MAXAMUUD OO BOOQAN DOONO DALKA MASAR.
(SAWIRKA)-MADAXWEYNEYAASH SOOMAALIYA IYO MASAR.
(MUQDISHO)-Dalka Masar waxa uu ka mid yahay wadamadda Qaaradda Afrika kuwooda ugu dadka badan uguna tunka weyn marka loo fiiriyo awoodeeda ciidameed,Masar iyo Suudaan waxa uu dagaal culus kala dhexeeyaa dalka Itoobiya ka dib markii Itoobiya ka xirtay biyaha Wabiga Niil wadamadda Masar iyo Suudaan,arrintaan ayaa ah mid weli taagan la iskuna mari la’ayahay waxaane horay u dhacay shirar looga hadlaayo arrinta biya xireenka Itoobiya kaaso cunaabateyn xoogan ku ah shacabka ku nool dalalka Masar iyo Suudaan,hadaba maxaa soo kordhay? Dalka Masar oo xiriir soo jireen ah la leh dalka Soomaaliya ayaa si cad waxa uu u garab istaagy mawqifka ey qaadatay DFS ee arrinta Heshiiskii baadilka ahaay ee dhexmaray maamulka S/land iyo dawladda Itoobiya Heshiiska ayaa waxa uu dhacay horantii bishan Janaayo-2024-ka,dalka Masar oo arrintaas ka duulaayo ayaa waxa uu wafdi balaaran u soo diray dalka Soomaaliya,wafdiga ayaa dhanbaal qoraal ah kana yimid MW-C/fataax EL-Sisi waxa ey gaarsiiyeen Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaane MW-Xasan lagu martiqaaday inuu booqasho ku yimaado dalka Masar waqti dhaw si loo falanqeyo xaaladda soo korodhay ee ka jirta Gobolka Geeska Afrika.
ISHA/CAASIMADDA.