MW-XASAN SHEEKH MAXAMUD OO SAXIIXAY XEERKA…
(SAWIRKA)-MADAXWEYNE XASAN SHEEKH MAXAMUD.
(MUQDISHO)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Dr.Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta oo Talaada ah(4/2/25)-ka waxa uu saxiixay Xeerka Shaqada Soomaaliya oo ey soo gudbisay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshadda ee XFS, Xeerkaan ayaa waxaa horay u soo Ansixiyey labada Gole ee Baarlamaanka Jamhuuriuadda Federaalka Soomaaliya. Xeerkaan ayaa muhiim u ah xaqiijinta xuquuqda shaqaalaha iyo in loo abuuro jawi shaqo oo cadaalad ah,kaaso ku saleysan mabda’a sinaanta iyo xuriyadda shaqaalaha. Waxaa sidoo kale diiradda lagu saarayaa in shaqaalaha Soomaaliyeed ey helaan xuquuqda ey ku leeyihiin goobaha shaqada iyadoo la ilaalinaayo danta guud iyo horumarka dhaqaalaha dalka. Ugu dambeyntii, Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee XFS, Md.Yuusuf Maxamed Aden ayaa uga mahad celiyey Madaxweynaha JFS saxiixidda sharciga Xeerka shaqada Soomaaliya kaaso markii ugu horeysay 52-sano ka dib wax ka bedel casriyeysan lagu sameeyey. Xeerkaan ayaa ah mid la jaanqaaday dawlad dhiska Soomaaliya, Ganacsiga xorta ah ee dalka hanaqaaday iyo xaqsiinta shaqaalaha si waafaqsan Diinta Islaamka iyo xeerarka caalamiga ah ee shaqada.
ISHA-SNTV.