SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

MW-XASAN SHEEKH IYO WAFDIGIISA OO BOOQDAY…

(SAWIRKA)-MW-XASAN OO BOOQDAY.

(RIYAD)-Madaxweynaha Soomaaliya Md.Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhawaan booqday Carwada Caalamiga ah iyo Matxafka Taariikhda Nabiga(SCW) iyo Xadaaradda Islaamka ee magaaladda Barakaysan AL-Madiina. Matxafka ayaa la furay Bishii Febraayo sannadkii 2021-kii iyadoo ey kormeerayaan Ururka Muslimiinta Adduunka,sidaas waxaa sheegtay Wakaaladda Wararka ee dalka Sacuudiga. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fedeeraalka Soomaaliya Md.Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhegaystay warbixino ku saabsan muuqaalo is-dhexgal ah oo ey ka mid yihiin taariikh nololeedkii Nabigeeyna Muxamad(SCW) marka laga soo tago qaababka ey samaysan yihiin magaalooyinka barakaysan ee Makah iyo Madiina,wadada Hijrada,Atlaska Maababka iyo Qalabka Waxbarashada. MW-Xasan ayaa gabagabadii booqashadiisa bogaadiyey Mashruca baaxadda leh ee Ummadda Muslimiinta ka faa’iideysan doonto.

ISHA/AN.

RIIX HALKAN.