SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

MW-XASAN SHEEKH IYO RW-SCHOLZ OO KA HADLAY…

(SAWIRKA)-MW-XASAN IYO RW-SCHOLZ.

(BERLIN)-Wararka laga helaayo magaaladda Berlin ee dalka Jarmalka ayaa sheegaayo in dalalka Soomaaliya iyo Jarmalka ey iska kaashan doonaan sidii loo dar-dar gelin lahaa Musaafurinta dadka Muhaajiriinta ah ee ka imaanayo dalka ku yaalo Geeska Afrika. Ka dib kulan uu magaaladda Berlin kula qaatay Madaxweynaha JFS Md.Xasan Sheekh Maxamud, Reysal Wasaaraha Jarmalka Olaf Scholz, ayaa la sheegay in Madaxdu isla garteen in Muhaajiriinta aan sharciga haysan kuna sugan dalka Jarmalka in si deg deg ah oo hufan dalkooda loogu soo celin doono,masaafurinta Muhaajiriinta Soomaalida ah ayaa saameyn doonto kaliyah kuwa gala Dembiyadda khatarta ah,sidaas waxa sheegay Reysal Wasaaraha Jarmalka Olaf Scholz. “Tani waxa sidoo kale dani ugu jirtaa Jaaliyadda Soomaalida ee ku nool dalka Jarmalka oo aad u badan,kuwaaso meel wanaagsan maraaya,isla markaasne si wanaagsan isugu xiran”ayuu yiri Reysal Wasaare Olaf Scholz. Sida la sheego dalka Jarmalka waxaa ku nool Soomaali gaareyso ilaa 65-kun Qofood,waxa uuna RW-Scholz sheegay iney jiraan tiro yar oo Soomaali ah ineysan xaq u leheyn iney joogaan dalka Jarmalka sababo Amni dartood.

ISHA-YAHOO NEWS.