SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

MW-XASAN OO XUDUR KAGA DHAWAAQAY…

(SAWIRKA)-MW-XASAN IYO MW-LAFTAGREEN.

(XUDUR)-Magaala madaxda Goboka Bakool ee Xudur ayaa maanta waxaa gaaray wafdi aad culus uu hogaaminaayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaane wafdigaan xubno ka ah Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee BJF Md.Sheekh Aadan Madoobe iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed Md.C/casiis Xasan Maxamed(Laftagareen),ujeedada safarka Madaxweyne Xasan ee KGS ayaa ah sidii halkaas looga bilaabi lahaay Wejiga labaad ee dagaalka looga soo horjeedo kooxda gabalkoodu dhacay ee Alshabaab. Maamulka KGS ee ka kooban seddex Gobol Bay,Bakool ey intiisa badan degaan beelaha Mirifle(Sagaal iyo Sideed) halka Gobolka Sh/hoose ey u badan beesha Aw Digil,maamulka uu hogaamiyo Laftgareen ayaa muddo xileedkiisu ku ekaay 12/2022-kii waxayna ahayd in doorasho ka dhacdo maamulkaasi horaantii sannadkan-2023 balse ma dhicin waxaane taas bedelkeedii galay in baarlamaanka KGS uu sannad ugu daray xilka Madaxweynaha KGS Md.Laftagreen si leysu waafajiyo waqti xileedka Baarlamaanka iyo kan Madaxweynaha,laakinse waxaa intaas oo dhan isku laqay Go’aanadii ka soo baxay shirkii Golaha Wadatashiga Qaran oo meel isugu geeyey doorashada maamul Goboleedyada dalka kana dhigay Nov/2024-ka.

ISHA/CAASIMADA.

HALKAN KA SI AKHRISO.