SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

MW-XASAN OO U DHOOFAY JABUUTI.

(SAWIRKA)-MADAXWEYNE XASAN SHEEKH.

(DH/MAREEB)-Wararka ka imaanayo caasimadda Dawlad Goboleedka Galmudug ayaa shegaayo in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu halkaasi ka dhoofay maanta oo Jimca ah(22/9/23)-ka una safray dalka Jabuuti,safarka Madaxweynaha oo aan horay loo sii shaacin ayaa la sheegay inuu yahay mid ku saabsan dhimista ciidamadda Atmis ee ka hawlgala dalka Soomaaliya,bishaan hadda socoto(Sebtembar) dhammaadkeeda ayaa loo qorsheeyey in dalka Soomaaliya ey isaga baxaan ciidamo dhan ilaa 3-kun oo ka tirsan ciidamadda Atmis eyna ka mid yihiin ciidamadda dalka Jabuuti ee ka tirsan Atmis kuwaaso jooga H/shabeele. Dhinaca kale,warar ayaa sheegayo in Dawladda Federaalka Soomaaliya ka dalbatay Qaramada Midoobe in la hakiyo bixitaan ciidamadda Atmis ee ka bixi lahaay dhammaadka bishaan Sebtembar-2023-ka.

ISHA/CAASIMADDA.

HALKAN KA SI AKHRISO.