SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

MW-XASAN OO TACSIYEY QOYSKI UU KA BAXAY GOCER.

(SAWIRKA)-WASIIR JAMAC.

(ISTANBUL-TURKEY)-Dhammadkii bishii Noofembar ee sannadkan ayey ahayd markii uu shil uu nin ku geeriyooday uu ku galay gudaha magaaladda Istanbul ee dalka Turkiga wiil uu dhalay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud lana yiraahdo Maxamed Xasan Sheekh,shilkaan ayaa waxaa si ba’an uga hadlay warbaahinta Mucaaradka dalka Turkiga ee uu ugu horeeyo Xisbiga uu ka tirsan yahay Duqa magaaladda Istanbul Ekrem ee la yiraahdo CHP, arrinta wiilka uu dhalay MW-Xasan ayaa cirka isku shareertay ka dib markii wiilka galay shilka uu isaga soo tegay dalka Turkiga 2/12/23-ka,waane ka hor inta eysan Maxkamada soo saarin xayiraad safar oo lagu soo rogay wiilka uu dhalay MW-Xasan Sheekh. Hadaba maanta oo Talaada ah ayaa waxaa magaaladda Istanbul gaaray Wasiirka Gaashaandhiga JFS Md.C/qaadir Nuur Maxamed (Jaamac) waxa uuna Wasiirka gurigeed ugu tegay Xaaskii uu ka geeriyoday Marxuum Gocer oo ku shaqeysan jiray Mooto,inta uu Wasiir Jaamac la joogay Xaaskii Gocer ayaa waxaa isna khadka Telefoonka soo galay MW-Xasan Sheekh si uu ugu tacsiyeyo qoyska uu ka baxay Gocer.

ISHA/DUVAR.

HALKAN KA SI AKHRISO.