SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

MW-XASAN OO QAABILAY AUSTIN.

(SAWIRKA)-MW-XASAN IYO WASIIR AUSTN.

(WASHINGTON)-Xoghayaha difaaca dalka Maraykanka Llyod J.Austin ayaa Arbacadii shalay ahayd waxa uu xarunta Gaashaandhiga Maraykanka ee Pentagon ku soo dhaweeyey Madaxweynaha Jamhuriyada Federaalka Soomaaliya Md.Xasan Sheekh Maxamuud isagoo ku amaanay hogaamiyaha Soomaaliya horumarka dhabta ah ee uu ku talaabsaday xili aad halis u ah. “Mudadaani waxay si gaar ah muhiim u noqon doontaa marka la eego colaadaha socda oo ey ku jiraan xasilooni darrada ka jirta Suudaan iyo khatarta joogtada ee kooxda Alshabaab”ayuu yiri Austin. “waxaad igu dhiirigelisay inaan maqlo guulaha sii socda ee laga gaarayo hawlgalka ka dhanka ah kooxda Alshabaab ee ka socdo bartmaha Soomaaliya oo ey hormuud ka tahay Soomaaliya,iskaashigeyna ku aadan hawlgaladaan waa mid muhiim ah waxaane diyaar u nahay inaan idin garab istaagno sidii aad isaga difaaci lahaydeen xoogaga khatarta ah ee rabshadaha wada”ayuu Austin u sheegay Madaxweyne Xasan Sheekh. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahad celiyey Austin kaalmada iyo taageerada uu Maraykanka Soomaaliya siinaayo in ka badan sodon sano. “Waxaan jeclaan lahaay inaan u mahad celiyo dawladda Maraykanka kaalmada ey siiso shacabka Soomaaliyeed dagaalka aan kula jirno kooxda Alshabaab”ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud u sheegay Austin.

ISHA WARKA VOA.