MW-XASAN OO KA QEYBGELAAYO SHIRARKA RIYAAD.
(SAWIRKA)-MW-XASAN OO GAARAY RIYAD.
(RIYAD)-Wararka laga helaayo caasimadda dalka Boqortooyada Sacuudiga ee Riyad ayaa sheegaayo inuu halkaasi gaaray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Xasan Sheekh Maxamuud,sida laga soo xigtay warbaahinta Sacuudiga MW-Xasan ayaa halkaasi waxa uu uga qeybgeli doonaa dhawr shir ey ugu muhiimsan yihiin: (1)-Shirka Madaxweynayaasha dalalka xubnaha ka ah Ururka Jaamicadda Carabta, (2)-Shirka labaad ee uu ka qeybgelaayo MW-Xasan ayaa ah kan u dhexeeyo Madaxweynayaasha Ururka Islaamka adduunka,waxaane dhici karta inuu isagana qabsoomo shir u dhexeeyo dalalka Carabta iyo Wadamadda Qaarada Afrika Madaxdooda. Sida uu sheegay Madaxa warfaafinta Madaxtooyada MW-Xasan Sheekh ayaa waxa uu maray qaliin aad u yar oo dhinaca Garabka ah.
ISHA/CAASIMADA.