MW-XASAN OO FURAY KALFADHIGII 5-AAD EE BJFS.
(SAWIRKA)-MALEESHIYADDA ALSHABAAB.
(MUQDISHO)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somaaliya Md.Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta oo Sabti ah kuna beegan 6/7/2-24-ka waxa uu si rasmi ah u furay Kalfadhigii shanaad ee Baarlamaanka Jamhuuriadda Fedraalka Soomaaliya,kulanka maanta ayaa waxaa joogay dhammaan Xildhibaanadda labadda Aqal(Sare/Hoose) iyo Gudoomiye Aden Madoobe iyo ku Xigeenadda Gudoomiyaha Aqalka Sare Md Cabdi Xaashi. Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hor hadlay Baarlamaanka ayaa ka hadlay arrimo fara badan ey ugu horeyso hadalkii maalintii Khamiista ka soo yeeray Reysal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed,Heshiiska la sheegay in DFS iyo Ururka Alshabaab wada hadal u socdo. Madaxweyne Xasan ayaa beeniyey in wada hadal uu u socdo DFS iyo kooxda Alshabaab,arrintaan ayaa la hadal haayey maalmihii la soo dhaafay waxa eyna gaartay iney qabsato baraha bulshadda. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa si kulul waxa uu uga hadlay dagaal beeleedyo ka soo cusboonaady dalka,isaga oo sheegay iney ka dambeeyso kooxda Alshabaab balse ey ka hortegi doonaan colaada u dhexeyso dadka walaalaha ah.
ISHA/CO.