SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

MW-XASAN OO DALKA DIB UGU SOO LAABTAY.

(SAWIRKA)-MW-XASAN IYO AFWERKI.

(MUQDISHO)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Xasan Sheekh Maxamuud oo labadii maalmood ee la soo dhaafay ku sugnaay caasimadda dalka Eritereey ee Asmara ayaa waxa uu dib ugu laabtay caaasimadda Muqdisho maanta oo Talaada ah. War ey soo saarata Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Eritereeya ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh iyo dhigiisa dalka Eritereeya Isaias Afwerki ey ka wada hadleen arrimo khuseeyo labada dal,kuwa Gobolka Geeska Afrika iyo caalamka. Waxaa la sheegay in labada masuul ey ku heshiiyeen in la sii xoojiyo wada shaqeyntooda,iskaashigooda iyo in la iska kaashado arrimaha gobolka ka taagan kuwaaso saldhig looga dhigaayo dulqaad iyo wax dhisid dhab ah la iskana xakameeyo ka jawaabidda ajandayaasha kala duwan ee daandaansiga ah. Dalka Eritereeya ayaa sheegay inuu mustaqbalka dhaw uu soo saari doono war cad oo faahfaahsan kuna saabsan arrimaha labada dal Soomaaliya iyo Eritereeya sida lagu sheegay War-Murtiyeedka. Golaha Wasiiradda dalka Jabuuti ayaa ku celiyey iney si aan leexleexad lahayn u taageersan yihiin mabda’a ah midnimada iyo madaxbanaanida dhuleed ee dalka Soomaaliya sdiaas waxaa bartiisa(X) Twitter-ka ku qoray wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo dhaqaalaha dalka Jabuuti Md.Ilyaas Muuse Ducaale.

SB-MEDIA.