SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

MW-XASAN OO BOOQASHO KU TEGAY WASAARADDA G/DHIGA.

(SAWIRKA)-MW-XASAN OO DHEX LUGEYNAAYO WASAARADA G/DHIGA.

(MUQDISHO)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray maanta oo Arbaca ah Xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga waxa uuna halkaas kulano kula qaaatay Taliska Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed iyo Hogaanka Wasaaradda G/dhiga. Saraakiisha ayaa la wadaagay Madaxweynaha warbixinadii ugu dambeeyey ee dagaalka ka dhanka ah Argagixisadda Alshabaab gaar ahaan xureynta degaano ka tirsan maamulka Jubaland oo lagu guuleystay,waxayna soo bandhigeen sida ey uga go’an tahay Ciidamdda Qalabka Sida iney sii wadaan halganka dalka looga xureynaayo kooxda Alshabaab. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka soo laabtay booqasho shaqo uu ku tegay dalka Eritereeya waxa uuna halkaas kula kulmay dhigiisa dalka Eritereeya Afwerki,labada masuul ayaa ka wada hadlay xaaladda Amni ee Gobolka Geeska Afrika iyo xiriirka saaxibtinimo ee labada dal. Madaxweyne Xasan ayaa soo booqday Dugsiga Tababarka Ciidanka Cirka ee dalka Eritereeya halkaaso ey hadda ku jiraan Saraakiil Soomaaliyeed oo loo diyaarinaayo dagaalka ka dhanka ah kooxda Alshabaab.

ISHA/SB-MEDIA.