MW-XASAN OO BERRI LA KULMI DOONO LABADA AQAL.
(SAWIRKA)-MW-XASAN IYO LABADA AQAL.
(VILLA SOMALIA)-DEG DEG: Waxa aan goor hore oo maanta ah aan idinla wadaagay Qoraal ka hadlaayey in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxauud uu codsaday in berri oo Arbaca ah kuna beegan 21/2/24-ka inuu la kulmo Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,balse waxaan la ogayn ujeedka uu Madaxweyne Xasan Sheekh uu u codsaday inuu la kulmo baarlamaanka labadiisa Aqal. Ilo xogogaal ah si aad ahne ugu dhaw Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa inoo xaqiijiyey in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu doonaayo inuu labada Aqal ee baarlamaanka kala hadlo dhawr Arrimood ey ka mid yihiin: (1)-Heshiiska dhinaca difaaca ah ey kala saxiixdeen Soomaaliya iyo Turkiga tobankii bishaan Feberaayo-2024-ka,heshiiskaan ayaa ah mid Amni oo u dhexeeyo Soomaaliya iyo Turkiga,waxa uuna dhigayaa in dalka Turkiga uu masuul ka yahay ilaaladda dhulka Soomaaliyeed ey ku jirto Badda Soomaaliyeed, xogta ayaa sheegayso in heshiiska difaaca badda Soomaaliyeed ee loo saxiixay dalka Turkiga uu dhigaayo in ciidamo Turki ah oo ilaaliya badda Soomaaliya loo soo diri doono Xeebaha Soomaaliya,waxa eyna ciidamadaan Xeebaha dalka Soomaaliya joogi doonaan muddo dhan toban sano waana loo cusbooneyn siin karaa. (2)-Wixii kala qabsaday Madaxweyne Xasan Sheekh iyo dawaladda Itoobiya markii uu ka qeybgelaayey shirkii Ururka Midawga Afrika meertadiisa 37-aad ka dib markii la isku dayey in MW-Xasan laga hor istaago inuu khudbad ka horjeediyo Madaxda Ururka Midawga Afrika. (3)-Halka uu maraayo xaalka dagaalka lagula jiro kooxda Alshabaab iyo sababaha keenay inuu galo dib u dhac daba dheeraaday. Seddexdaan qodob ayaa lagu sheegay waxa uu berri kala hadli doono Madaxweyn Xasan Sheekh labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
ISHA/SB-MEDIA.