MW-XASAN O CANAANTAY QAAR KA MIDA WASIIRADDA.
(SAWIRKA)-MW-XASAN SHEEKH MAXAMUUD OO SHIR GUDOOMIYEY SHIRKII GOLAHA WASIIRADDA.
(MUQDISHO)-Shirkii khamiislaha ahaay ey yeeshaan todobaadkii tegay Golaha Wasiiradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa todobaadkii tegay waxaa shir Gudoomiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Xasan Sheekh Maxamuud, MW-Xasan ayaa Golaha Wasiiradda uga xog waramay meesha uu maraayo dagaal dhulka Soomaaliya looga xureynaayo kooxda Alshabaab,isla fadhigaas ayuu Madaxweynaha canaan kulul ugu soo jeediyey qaar ka mid ah Golaha Wasiiradda kuwaaso la jaan qaadi waayey dadaalka dalka looga saarayo kooxda Alshabaab waxa uuna uga digay ineysan sidaan sii ahaan oo ey wax ka bedelaan hab dhaqankooda ka gaabinta ah ee doorkooda kaga aadan dagaalka Alshabaab,Golaha Wasiiradda qaarkood ayaa la sheegay ineysan ku qanacsaneyn qaabka dagaalka Alshabaab.
ISHA/CAASIMADDA.