MW-XASAN IYO WAFDIGIISA OO SI DIIRAN LOOGU…
(SAWIRKA)-MW-XASAN IYO WAFDIGIISA OO GAARAY RIYAAD.
(RIYAD)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Dr.Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa gaaray magaaladda Riyad ee Dalka Boqortooyada Sacuudiga,Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa halkaasi kaga qeybgelaayo shirar deg deg ah oo ey yeealanayaan Madaxda dalalka Carabta iyo Islaamka. Madaxda ayaa ka wada hadlaayo colaada iyo gumaadka ka dhanka ah shucuubta Falastiin iyo Lubnaan,gaar ahaan joojinta Xasuuqa iyo sidii gurmad deg deg ah ey u heli lahaayeen dadka reer Gaza ee dhibaateysan,iyadoo shirka ey ka soo qeybgelayaan Madax iyo wufuud ka socoto dawladaha xubnaha ka ah Ururadda Jaamicadda Carabta iyo Islaamka. Inta lagu guda jiro shirka, Madaxweynaha JFS iyo wafdigiisa ayaa kulan doceedyo la qaadan doona Madaxda,Boqoradda,Amiiradda iyo Hogaamiyeyaasha Islaamka ee shirka ka soo qeybgelay si loo xoojiyo xiriirka dalkeyna uu la leeyahay Caalamka Islaamka iyo kan Carabta.
ISHA-VILLA SOMALIA.