SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

MW-XASA SHEEKH OO KHUDBAD QAAYA LEH KA…

(SAWIRKA)-HADAL JEEDINTII MW-XASAN SHEEKH.

(BERLIN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Xasan Sheekh Maxamud oo ku sugan dalka Jarmalka ayaa ka qeybgalay Shirka Maalgashiga Jarmalka iyo Afrika,Madaxweynaha ayaa soo bandhigay fursadaha Maalgashi ee ka jira dalkeyna Soomaaliya iyo dadaaladda Dawladda ee dhinaca Horumarka iyo Xasilloonida. Madaxweynaha ayaa xusay muhimadda iskaashiga caalamiga ah oo aasaas u ah koboca dhaqaalaha,shaqo abuurka,la tacaalidda isbedeladda cimilada iyo amni darada,isagoo bogaadiyey shirkan oo diiradda saaray sidii loo abuuri lahaay nidaam soo jiita maalgashadayaasha. Madaxweynaha JFS Md.Xasan Sheekh ayaa xusay in dalka Soomaaliya uu ku guuleystay qorshayaal isbedel dhaqaale iyo diyaarinta sharciyada dhawrista maalagashadayaasha,iyadoo hiigsaneysa in la xoojiyo kaalinta ganacsiga gaarka loo leeyahay ee kobcinta dhaqaalaha. Madaxweyna Xasan Sheekh ee uu wehlinaayey Wasiirka Qorsheynta iyo Maalgashiga ee XFS Md.Maxamud C/raxmaan BEENE-BEENE ayaa tilmaamay in Soomaaliya ey soo dhaweyneyso maalgashadayaasha caalamiga ah isla markaasne ey heleyaan shacab ku tilmaaman firfircooni iyo hal abuur ganacsi.

ISHA-VILLA SOMALIA.