SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

MW-QOORQOOR OO KA HADLAY DAGAALKA ALSHABAAB.

(SAWIRKA)-MW-QOORQOOR.

(MUQDISHO)-Wararka ka imaanayo caasimadda maamulka Galmudug ee Dhuusamareeb ayaa sheegaayo in Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye(QoorQoor) uu ka qeybgalay shirka Madasha Dadaaladda Xasillinta iyo soo Kabashadda deg dega ah ee degaanadda laga xureeyey kooxda Alshabaab,Madaxweynaha ayaa ka hadlay Qorshaha Maamulka Galmudug uga degsan Xoreynta degaanadda ku haray gacanta kooxda Alshabaab. Madaxweyne QoorQoor ayaa yiri”Waxaan Hogaamin doonaa wejiga labaad ee dagaalka kooxda Alshabaab,degaano badan oo laga xureeyey kooxda Alshabaab ayaa la gaarsiiyey adeegyaddii bulshadda,degaanadda maqana waxaan isugu dari doonaa xoreyn iyo gurmad aan gaarsiin doono shacabka ku dhibaateysan”. QoorQoor ayaa sheegay in maamulkiisa u diyaargaroobay wejiga labaad ee dagaalka Alshabaab dhawaane ey geli doonaaan isla markaasne la xoreyn doono degaano cusub.

ISHA/CO.

SII AKHRI.