MW-MUSEVENI OO MAR KALE KA HADLAY…
CIIDAMADDA ATMIS EE SOMALIYA.
(KAMPALA)-Todabaadkii inaga tegay maanta oo kale oo Jimca ah ayey kooxda Alshabaab weerar cagmarin ah waxa ey ku qaaday saldhig ey iska leeyihiin ciidamadda dalka Ugandha kana tirsan ciidamadda nabad ilaalinta ee Midawga Afrika loona yaqaano ATMIS. Weerararka ayaa waxa uu ka dhacay xero ku tiilay degaanka Buulo-Mareer ee Gobolka Shabeeladda Hoose una dhaw degmada Baraawe,weerarkaan ayaa waxaa ku geeriyoday khasaarane uu ka soo gaaray ciidamadda Atmis ee halkaasi ku sugnaay kana soo jeeday dalka Ugandha,weli lama sheegin tirada rasmiga ah ee dhimashada iyo dhaawaca ee soo gaartay ciidamadda Atmis balse waxaa la arkayey kuwa dhaawac ah oo ku jiro Isbitaal eyna soo booqdeen madaxda sare ee Atmis,dhinaca kale,Atmis ayaa sheegtay iney soo wada ceshatay dhammaan hubkii laga qaatay xerada ka dib markii ey diyaaradaha Drones-ka ee dalka Maraykanka duqeyn u gaysteen shabaabkii baxsadka ahaay kuna laayeen jidka ayagoo la sii cararaayo hubkii ey xerada ka qaateen. Madaxweynaha dalka Ugandha Museveni ayaa maanta oo Jimca ah(2/6/23)-ka waxa uu mar kale ka hadlay dhacdadii dhacday todobaadkii hore waxa uuna sheegay in Musuqa ka dhexe jiro ciiamadda Ugandha(updf) uu ka bilawday waqtigii askarta laga qoraayey guaha dalka Ugandha.
ISHA WARKA DAILY MONITOR-UG.