SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

MW-LAFTAGAREEN WAA LOO BAQAA MARKAAN.

(SAWIRKA)-MW-LAFTAGAREEN IYO XILDHIAAN MURSAL.

(MUQDISHO)-Wararka ka imanayo Muqdisho ayaa sheegayo in maanta oo Jimca ah uu halkaasi ka dhacay shir ey isugu yimaadeen inta badan Xildhibaanadda ka soo jeedo Dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya(KGS),isu imaantinka Xildhibaanada ayaa la sheegay inuu soo abaabulay Gudoomiyihii Baarlamaankii 10-aad ee Soomaaliya hadana ah Xildhibaan ka tirsan Golaha shacabka ee BJFS Md.Maxamed Mursal SH.C/raxamaan. Isu imaatinkan Xidhibaanada ayaa ku soo aadayo waqti xasaasi ah waayo waxaa shalay loo diiday inuu dayaarad ku tago caasimadda ku meel gaarka ah ee maamulka KGS ee Bayddhabo Xildhibaan C/laahi Black si uu uga qeybgalo aaska nin ganacsada ah ey qaraabo yihiin oo Muqdisho ku geeriyooda,Xildhibaan Black ayaa ka soo mid noqday hogaankii Jabhadii RRA-da ee waqti ka talin jirtay degaanada KGS.

ISHA/CAASIMADDA.

HALKAN KA SI AKHRISO.