SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

MW-LAFTAGAREEN OO SAMEEYEY MAGACAABIS IYO…

(SAWIRKA)-MW-LAFTAGAREE.

(BAYDHABO)-Wararka inaga soo gaaraayo caasimadda ku meel gaarka ah ee Dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ee Baydhabo ayaa sheegaayo in Madaxweyne C/Casiis Xasan Maxamed Laftagareen uu maanta sameeyey iska shaandheyn iyo magacaabis Golaha Wasiiradda ee maamulkaas. Madaxweyne Laftagareen ayaa maamlmo ka hor waxa uu magacaabay laba Gudoomiye Goboleed oo ka tirsan Dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Goboladda Gudoomiyeyaasha loo magacaabay ayaa kala ah Gobolka Bay oo loo magacaabay Md.Cali Wardheere Dooyow kaaso horay u soo noqday Gudoomiyaha Degmada Berdaale,halka Gudoomiyaha Gobolka Shabeeladda Hoose loo magacaabay Md.Maxamed Ibraahim Najax kaaso ahaay Wasiirka Waxbarashada,Tacliinta Sare iyo Hiddaha ee Dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed. Magacaabista iyo isku shaandheynta uu sameeyey Madaxweyne Laftgareen ayaa ahayd mid u qoran sidaan:

(1)-Sahro Cismaan Axmed, Waxaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada,Tacliinta Sare iyo Hidaha DGKGS.

(2)-Shamsa Maxamed Yaraw, Waxaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska ee DGKGS.

(3)-Maxamed Cismaan Xaaji Jiidow, Waxaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee DGKGS,Wasiirkaan ayaa horay u haayey xilka Wasiirka Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada ee DGKGS.

(4)-Siciid Axmed Cali, Waxaa loo magacaabay Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee DGKGS, Wasiirkaan ayaa horay u haayey xilka Wasiirka Arrimaha Dastuurka ee DGKGS.

(5)-Maxamed Ibrahim Bilaal, Waxaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta DGKGS. Ninkaan ayaa horay waxa uu u ahaay La Taliayaha Madaxweyne C/Casiis Xasan Maxamed Laftagareen.

(6)-Maxamed Xasan Fiqi, Waxaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee DGKGS.

(7)-Maxamed Ibraahim Barre, Waxaa loo magacaabay Wasiirka Arrimaha Dastuurka ee DGKGS,ninkaan ayaa horay waxa uu ahaay Gudoomiyaha Gobolka Shabeeladda Hoose.

Arrintaan ayaa imaaneyso ka dib markii uu Madaxweyne C/Casiisa Xasan Maxamed Laftgareen uu bishaan sagaal iyo Tobankeedii(19/12/24)-ka uu u dabaal degay sannad guuradiisii lixaad ee ka soo wareegtay markii uu qabtay xukunka Dawladda Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya kuna beegan 19/12/2018-kii.

ISHA-SBM-EDIA.