SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

MW-ERDOGAN IYO MW- GEELLE OO KU KULMAY TURKIGA.

(SAWIRKA)-MADAWEYNAYAASHA TURKIGA IYO JABUUTI.

(ANTALYA-TURKEY)-Madaweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan iyo dhigiisa dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa shalay oo Jimca ahayd waxa ey ka wada hadleen xiriirka labada dal Turkiga iyo Jabuuti. Kulan u dhexeeyo Erdogan oo uu la leeyahay Madaxweynayaasha iyo madaxda dawlad Goboleedyo ayaa qeyb ka ah Madasha Diblomaasiyadda ee ka socoto Antalya ee dalka Turkiga(ADF). Kulanka uu la qaatay Madaxweyne Erdogan madaxweynaha dalka Jabuuti Geelle ayuu Erdogan ku nuuxnuuxsaday xiriirka ku saleysan sii wadida iyo xoojinta is ixtiraamka iyo iskaashiga qotada dheer ee uu Turkigu la leeyahay Wadamadda Qaaradda Afrika oo ey ku jirto Jamhuriyadda Jabuuti. Kulanka laba Madaxweyne ayaa waxaa goobjoog ka ahaay madax sare oo ka kala socotay labada dal Turkiga iyo Jabuuti,dhinaca dalka Turkiga ayaa waxaa ka socday Wasiirka Difaac Yasar Guler iyo Agaasimaha Isgaarsiinta Fahrettin Altun. Madasha Seddexaad ee Antalya ayaa soo bilaabay maalintii Khamiista waxaane ka qeybgalaayo ku dhawaad 4500-ka qeybgale oo ey ku jiraan 19-Madaxweyne, 73-Wasiir iyo 57-Wakiilo Caalami ah,Madashaan oo la qabtay sannadkii 2021-kii ayaa waxaa ka soo qeybgalay 2-kun laakin sannadkan waxaa ka soo qeybgalay laba laab tiradaas,sannadkii 2022-kii waxaa la abaabulay 30-Panel halka sannadkan la abaabulay ilaa 52-Panel inta u dhexeysay 1-da Maarso ilaa 3-da Maarso sannadka 2024-ka.

ISHA/AA.

HALKAN KA AKHRI.