MW-Dr.XASAN SHEEKH OO LA KULMAY GUD.BAAR..
(SAWIRKA)-MW-XASAN IYO GUD.BAARLAMAANKA CARABTA.
(QAAHIRA)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Dr.Xasan Sheekh Maxamud oo booqasho rasmi ah ku joogo dalka Masar ayaa kulan la qaatay Gudoomiyaha Baarlamaanka Carabta Md.Maxamed Axmed AL-Yamahi. Madaxweyne Dr.Xasan Sheekh Maxamud ayaa la wadaagay Gudoomiye AL-Yamahi sida Soomaaliya u qadarineyso doorka Baarlamaanka Carabta ee taageeradda iyo garab istaaga dawladnimada,midnimada iyo Madax Banaanida Soomaaliya oo Baarlamaanka Carabta ey ku soo bandhigaan fagaarayaasha heer gobol iyo heer caalami. Sidoo kale,Madaxweyne Dr.Xasan Sheekh Maxamud ayaa muujiyey sida Dawladda Federaalka Soomaaliya ey uga go’an tahay in la xaqiijiyo wada shaqeynta ka dhexeysa Soomaaliya iyo Baarlamaanka Carabta,isdhaafsiga khibrada iyo mideynta go’aamadda heer Carbeed ee arrimaha caalamka. Gudoomiyaha Baarlamaanka Carabta Md.Maxamed Axmed AL-Yamahi ayaa bogaadiyey wada shaqeynta Soomaaliya iyo dalalka Carabta ee ku aadan taageeradda qadiyadaha Carabta, Sidoo kale,Md.AL-Yamahi ayaa amaanay aragtida Istaraatiijiga ah ee MW-Dr.Xasan Sheekh Maxamud ee la xiriirta doorashooyinka soo socdo,la dagaalanka Argagixisada iyo xureynta degaanadda ey ku hareen.
ISHA-VILLA SOMALIA.