MW-Dr.XASAN SHEEKH OO KA QEYBGELAAYO MADASHA…
(SAWIRKA)-MW-Dr.XASAN SHEEKH MAXAMUD OO KU SUGAN MADASHA DAVOS.
(DAVOS-SWI)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Dr.Xasan Sheekh Maxamud ayaa ku sugan magaaladda Davos ee dalka Switzerland,waxa uu halkaas kaga qeybgelaa Madasha Dhaqaalaha Adduunka(World Economy Forum). Madaxweyne Dr.Xasan Sheekh Maxamud ayaa Madasha ka jeedin doono khudbad muhiim ah uu kaga hadlaayo Horumarka dalka Soomaaliya,Kobaca Dhaqaalaha dalka Soomaaliya iyo Qorshayaasha Dawladda ee ku aadan Horumarka waara iyadoo sare loo qaadaayo Iskaashiga ey Soomaaliya la leedahay dalalka muhiimka u ah Horumarinta Kaabayaasha dhaqaalaha. Madaxweyne Dr.Xasan Sheekh Maxamud oo hadda ku sugan Madasha Dhaqaalaha Adduunk(WEF) ee Davos ayaa gudoomi doono Abaalmarinta HOGAAMINTA MADAXTINIMO EE AFRIKA(The African Presidential Leadership Award) iyadoo loo aqoonsan doono waxqabad Muuqdo uu ka geystay Horumarinta Nabadda, Xasiloonidda iyo Horumarinta dhaqaalaha. Sidoo kale, Madaxweyne Dr.Xasan Sheekh Maxamud ayaa shirar doceedyo la yeelan doono Hogaamiyeyaasha Caalamka iyo Daneeyayaasha Muhiimka ah ee Madasha ka qeybgalay si loo xoojiyo Iskaashiga Caalamiga ah loona dhiirigeliyo Maalgashiga dalka Soomaaliya.
ISHA-VILLA SOMALIA.