SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

MW-Dr.XASAN SHEEKH MAXAMUD OO SOO GAARAY…

(SAWIRKA)-MW-Dr.XASAN SHEEKH MAXAMUD.

(CAIRO-EGY)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Dr.Xasan Sheekh Maxamud iyo Wafdi heer sare ah oo uu hogaaminaayo ayaa booqaasho rasmi ah ku tegay magaaladda Qaahira ee caasimadda dalka Masar ka dib markii uu casuumad rasmi ah ka helay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Carabta Masar Md.C/Fataax EL-Sisi. Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlaya xoojinta dadaaladda wadajirka ah ee lagula dagaalamaayo Argagixisada iyo sidii loo dardargelin lahaa iskaashiga dhinacyadda Amniga iyo Nabadda Gobolka. Labada Madaxweyne ayaa sidoo kale ku nuux-nuuxsaday baahidda loo qabo Horumarinta xiriirka dhaqaalaha iyo sare u qaadida heerka ganacsiga iyo maalgashiga iyadoo labada dawladood ey mudnaanta siinayaan kor u qaadista fursadaha iskaashiga dhaqaalaha iyo Horumarinta. Madaxweyne Dr.Xasan Sheekh Maxamud ayaa uga mahadceliyey Dhigiisa C/Fataax EL-Sisi soo dhaweynta diiran iyo sida ey dawladda Masar mar walba u garab taagan tahay Soomaaliya,isagoo timaamay in xiriirka labada dal uu yahay mid ku dhisan walaaltinimo,iskaashi Istaraatiiji ah,iyo danaha guud ee labada shacabka ee labada dal.

ISHA-VILLA SOMALIA.