SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

MW-Dr.XASAN SHEEKH MAXAMUD IYO WAFDI LA SOCDO OO GAARAY…

(SAWIRKA)-MW-Dr.XASAN SHEEKH MAXAMUD OO GARAY TANZANIYA.

(DARA EL SALAM-TZ)-Caasimadda dalka Tanzaiya ee Daara Salaam waxaa maanta oo Isniin ah kuna beegan 27/1/2025-ka ka furmay shir looga hadlaayo Tamarta,shirkaan oo socon doono muddo dhan laba maalmood ayaa maanta waxa ka qeybgelaayo Wasiiradda Arrimaha Dibadda ee wadamadda Qaaradda Afrika si ey ugu gogol xaaraan shirka berri ey isugu imaan doonaan Madaxda Wadamadda Qaaradda Afrika. Talaabadaan geesinimada leh ee wax looga qabanaayo dhibaatooyinka Tamarta ee joogtada ah ee Qaaradda Afrika ayey Kooxaha Bangiga Horumarinta Afrika(AFDB) iyo Bangiga Adduunka(WB) waxa ey soo agaasimeen shir Madaxeedka Tamarta Afrika inta u dhexeyso 27-28/1/2025-ka,si loo horumariyo Qorshaha lagu haminaayo ee ah in Koronto la gaarsiiyo 300-Milyan Qofood oo Afrikaan ah marka la gaaro sannadka 2030-ka. Shirkaan oo ey Martigelinayaan Dawladda Tanzaniya,Ururka Midawga Afrika,Bangiga Horumarinta Afrika iyo Bangiga Adduunka ayaa waxaa ka qeybgelaayo Madaxweynaha dalka Martida loo yahay ee Tanzaniya Marwa.Samiya Suluhu Xasan iyo 24-Madaxweyne kana kala socdo wadamadda Qaaradda Afrika,24-Wakiilo Dawladeed, Madaxda Hayaddo Caalami ah iyo in ka badan 2,600-qof oo ah ka qeybgalayaasha Diiwaan-gashan. Goobta uu shirka ka dhacaayo ayaa ah Xarunta Shirarka Caalamiga ah Julius Nyrere (JNICC), shirkaan ayaa looga golleeyahay in laga soo saaro Bayaan sahlaya iney Koronto helaan 300-Milyan oo Afrikaan ah sannadka 2030-ka. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Dr.Xasan Sheekh Maxamud iyo wafdi balaaran uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray dalka Tanzaniya si ey uga qeybgalaan shirka. Sida ey sheegtay Villa Somalia,Madaxweyne Dr.Xasan Sheekh ayaa madasha ku soo bandhigi doono aragtida iyo Qorshayaasha DFS ey ka leedahay Horumarinta Tamarta iyadoo la xoojinaayo iskaashiga heer Gobol iyo Heer Caalamiba. Inta uu socdo shirka, MW-Dr.Xasan Sheekh Maxamud ayaa kulano doceedyo la yeelan doono Madaxda iyo daneeyeyaasha ka qeybgelaya shirka isaga oo muujin doona sida ey Soomaaliya uga go’an tahay ka faa’iideysiga fursadaha iskaashiga ee dhinaca Tamarta si kor loogu qaado Horumarka waara ee dalka.

ISHA-SB-MEDIA.