SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

MW-DENI OO MAGACAABAY GOLIHIISA WASIIRADDA.

(SAWIRKA)-MW-SICIID DENI.

(GARAWE)-DEG DEG: Warar deg deg ah oo hadda inaga soo gaaray maamulka Puntland ayaa sheegaayo in Madaxweynaha Puntland Md.Siciid C/laahi Deni uu caawa ku dhawaaqay Golihiisa Wasiiradda Cusub ee 2024 ilaa 2029-ka,Golahaan Wasiiradda cusub ee Puntland ayaa ka kooban ilaa kow iyo labaatan(21) Wasiir waxaane ka mid ah Wasiiro horay ula soo shaqeeyey MW-Siciid Deni. Golaha Wasiiradda Cusub ayaa waxa ey ka soo kala jeedaan Shanta Gobol ee kala ah{Bari, Sool, Mudug, Sanaag iyo Nugaal},Shantaan Gobol ayaa waxaa ka kala yimid 21-ka Wasiir ee xukuumadda cusub ee MW-Deni waxaane ugu Wasiiro Badan Gobolka Bari oo helay ilaa Lix Wasiir halka Goboladda Sool iyo Mudug uu midkiiba helay ilaa Shan Wasiir, Gobolka Sanaag ayaa hely Seddex Wasiir halka Gobolka Nugaal ey ku taalo caasimadda Puntland uu yahay Gobolka ugu Wasiira yar xukuumadaan cusub waxa uuna helay ilaa Laba Wasiir. Marka aan fiirino Qaabka ey Qabiiladda dega Puntland ey u kala heleen Wasiiradda cusub, waxaa ugu Wasiira badan Qabiilka Dhulbahante ee dega Gobolka Sool waxa uuna helay ilaa Shan Wasiir, Waxaane ku soo xiga Qabiilka Warsangeli ee dega Gobolka Sanaag waxa uuna helay Seddex Wasiir, waxaane min laba Wasiir helay Qabiiladda kala ah”Cumar Maxamuud, Ciise Maxamuud iyo Leelkase”,waxaane min hal Wasiir helay Qabiiladda kala ah”Cismaan Maxamuud, Cali Saleebaan, Dishishe, Siwaakhroon, Biciidyahan, Ugaar Saleebaan, Cali Jibraahil”. HALKAN KA AKHRISO MAGACYADA WASIIRADDA PUNTLAND IYO QABIILADOODA:

(1)-Maxamed C/wahaab Axmed(Biciidyahan). Wasirka Cadaaladda iyo Arrimaha Diinta. G/Mudug.

(2)-Ibraahim Cartan Xaaji Bakiin(Cali Saleebaan). Wasiirka Amniga iyo DDR-ta. G/Bari.

(3)-Cabdi Faarax Juxa(Ciise Maxamud). Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka. G/Nugaal.

(4)-Maxamed Faarax Maxamuud(Leelkase). Wasiirka Maaliyadda. G/Mudug.

(5)-Da’ud Maxamed Cumar(Dhulbahante). Wasiirka Qorsheynta. G/Sool.

(6)-Fu’aad Abshir Axmed Adeer(Cumar Maxamuud). Wasiirka Waxbarashada. G/Mudug.

(7)-Siciid jaamac Cali(Qoorsheel/Warsangeli). Wasiirka Caafimaadka. G/Sanaag.

(8)-Faarax Cawad Jaamac(Dhulbahante). Wasiirka H/Guud iyo Gaadiidka. G/Sool.

(9)-Shaakir Maxamed Guuleed(Dhulbahante). Wasiirka Dekedaha. G/Sool.

(10)-C/laahi Bile Nuur(Dishishe). Wasiika Duulista Hawada. G/Bari.

(11)-Maryan Axmed Cali(Dhulbahante). Wasiirka Haweenka. G/Sool.

(12)-Maxamuud Ceydiid Dirir(Dhulbahante). Wasiirka Warfaafinta. G/Sool.

(13)-Axmed Shire Siciid(Cali Jibraahil). Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha. G/Bari.

(14)-Cumar C/samad Yuusuf(Cumar Maxamud). Wasiirka Xanaanada Xoolaha. G/Mudug.

(15)-Maxamed C/raxman Maxamed(Faroole)(Ciise Maxamud). Wasiirka Degaanka iyo Isbedelka Cimiladda. G/Nugaal.

(16)-C/risaaq C/laahi Xagaa(Siwaakhroon). Wasiirka Kallumeysiga. G/Bari.

(17)-C/raxmaan Axmed C/lle(Ugaar Saleebaan). Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshadda. G/Bari.

(18)-Liibaan Muuse-Boqor Cismaan(Cismaan Maxamuud). Wasiirka Macdanta iyo Biyaha. G/Bari.

(19)-Ubax C/rashiid Maxamed(Leelkase). Wasiirka Gargaarka. G/Mudug.

(20)-Maxamed C/qaadir Saalax(Warsangeli). Wasiirka Beeraha. G/Sanaag.

(21)-Hodan Siciid Xasan(Warsangeli). Wasiirka Dhallinyarada iyo Cayaaraha. G/Sanaag.

ISHA/SUUQ-BACAAD MEDIA.

MUQDISHO-SOMALIA.