SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

MW-DENI OO KA HORYIMID GO’AANKII ISIMADDA PUNTLAND.

(SAWIRKA)-MW-DENI.

(GARAWE)-Wararka ka imaanayo caasimadda Dawlad Goboleedka Puntland ee Garawe ayaa sheegaayo in Madaxweynaha Puntland Siciid C/laahi Deni uu si cad uga soo horjeestay Baaqii ka soo baxay Isimadda Puntland ee uu Warbaahinta xalay u akhriyey Sheekh C/qani Qorane,Isimadda ayaa sheegay in Dawladda Puntland eysan waqtigaan ka dhici karin doorasho Qof iyo Cod ah waxa eyna ku sababeeyeen in waqtigu yahay mid aad u yar loona baahan yahay inuu dalku aado doorasho la mida middi ey qabteen dawladihii ka horeeyey midan uu hogaamiyo Deni,Isimadda Puntland ayaa ka digay in dalka la geliyo xaalad hubanti la’aan amni ah taaso horseed karta ayey yiraahdeen inuu yimaado gacan ka hadal la mida kuwii horay uga kala dhacay magaalooyinka Boosaaso iyo Garawe oo dhammaan ka wada tirsan Dawlad Goboleedka Puntland.

ISHA.HIIRAAN.

HALKAN KA SI AKHRISO.