SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

MW-AXMED MADOOBE OO ISKA DIIDAY…

(SAWIRKA)-MW-AXMED MADOOBE.

(KISMAYO)-Sida aan inteyna badan la socono waxaa shirkii Golaha Wadatashiga Qaran isaga baxay Madaxweynaha Maamulka Jubaland Md.Axmed Maxamed Islaan (Madoobe),kulanka ayaa waxa uu galay hakad la xiriir xal u helida tabashadda uu qabo Madaxweynaha Jubaland Md.Madoobe,waxaane qoraal arrintaasi la xiriira soo saaray Xafiiska Reysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Md.Xamse Cabdi Barre,qoraalka ayaa lagu xusay in maanta oo Sabti ah kuna beega 26/10/24-ka dib la isugu soo laaban doono Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee uu galay hakadka, hadaba maxaa soo kordhay? Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe ayaa maanta ka soo laabtay safar hal maalin qaatay uu ku tegay dalka Kenya,halkaasi oo uu kulan qarsoodi ah uu kula soo yeeshay Madaxweynaha dalka Kenya ee Ruto. Axmed Madoobe iyo Ruto ayaa kulankooda uga hadlay sidii xal looga gaari lahaay khilaafka ka jira Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka,iyadoo dawladda Kenya ey Axmed Madoobe ka codsatay inuu ku laabto Shirka Madasha Wadatashiga Qaranka kana soo debco qodobadii uu ku dheganaay. Kulanka Qarsoodiga ah ee Axmed Madoobe ayaa yimid ka dib markii Madaxweyna Xasan Sheekh uu codsi u gudbiyey Madaxweynaha Kenya Williamm Ruto,codsiga ayaa la xiriiray sidii Axmed Madoobe dib loogu soo celin lahaay Shirka Madasha Wadatashiga Qaran kaaso Axmed isaga baxay todobaad ka hor. Xogta ayaa sheegeyso in Axmed Madoobe uu ku adkeysanaayo in loo dhaafo Doorashadiisa oo uu qabsado doorasho la mid ah kuwii uu horay ugu soo baxay isagoo ku dooday in Dastuurka Jubaland aan la dhaafi karin,islamarkaane uu sida uu qabo ey muhiim tahay in la qabto Doorashada heerarka kala duwan ee Baarlamaanka iyo Madaxtooyadda. Sidoo kale waxa uu Axmed Madoobe miiska soo saaray haddii Doorasho Qof iyo Cod ah la qabanaayo iney noqoto mid loo dhan yahay oo ey ka soo wada qeybgalaan dhammaan dhinacyada maqan sida Puntland. Waxaa kaloo uu Axmed Madoobe ku dhegay in Gudiyadda Doorashooyinka ey noqdaan laba heer oo kala ah Heer Federaal iyo Heer dawladaha Xubnaha ka ah DFS.

ISHA-CO.