SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

MUXUU YAHAY XALKA DOORASHADA PUNTLAND?

(SAWIRKA)-MUSHARIXIINTA XILKA MADAXWEYNAHA PUNTLAND.

(GARAWE)-Marka laga hadlaayo dawladda Goboleedka Puntland waxaa mudan inaan is xusuusino dhawr arrimood oo muhiim ah eyna ugu horeyso dhismaha Maamulka Puntland oo 25-jirsaday cidda soo xukumeysay intaas sannadood,waxaa kaloo mudan in la is xusuusiyo maamulka Puntland inuu yahay maamul mar walba hogaankiisu jecel yahay in isaga looga dambeeyo Masiirka Puntland iyo DFS,waxaa kaloo iyadana in la is xusiisiyo mudan in maamulka Puntland yahay maamul uu baarlamaankiisu inta badan yihiin kuwa ka soo jeedo hal beel taaso 33-xildhibaan ku leh aqalka Wakiiladda Puntland,hadaba maxaa hadda taagan oo la isku mari la’ayahay? Dadka ka soo jeedo degaanka SSC-Khatumo waxa ey ku dhawaaqeen iney yihiin maamul iskii u taagan dagaal kulul ka dib lana macaamilayaan DFS waxa eyna laba sano ka dib DFS ka sugayaan Aqoonsi buuxa waa haddii ey soo buuxiyaan shuruudaha looga baahan yahay dhisidda Maamul cusub. SSC-Khatumo waxa ey horay uga kala tirsaneed maamuladda S/land iyo Puntland oo waxa ey ku leheed Xildhibaano iyo Wasiiro,si gaar ahne SSC-Khatumo waxa ey Madaxweyne ku xigeen ka ahayd maamulka Puntland,hadda waxaa socdo soo xulitaanka Xildhibaanada maamulka Puntland waxaane meesha ka maqnaan doono 17-xildhibaan kana soo jeedo SSC-Khatumo baarlamaanka Puntland ee soo socda waxa uu noqon doonaa 49-Xildhibaan kuwaaso 33-Xildhibaan ka mida ey ka soo jeedaan hal beel,hadaba waxa uu muran xoogan ka taagan yahay sida laga yeelaayo 17-kii xildhibaan ee ka soo jeedaya SSC-Khatumo isagana baxay maamulka Puntland,waxaane arrinkaan ka hadlay Murashaxiinta xilka Madaxweyne ee Puntland mexeey ka yiraahdeen?

ISHA/BBC-SOMALIA.

HALKAN KA SI AKHRISO.