SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

MUUSE BIIXI OO ITOOBIYA U SAXIIXAY SALDHIG CIIDAN INEY KU…

(SAWIRKA)-MUUSE BIIXI IYO ABIY AXMED.

(ADDIS ABABA)-Dawaladda Federaalka Itoobiya ayaa heshii taariikhi ah waxa ey la saxiixatay maamulka Soomaliland si Itoobiya loogu sugo helitaan Badda,loona kala duwanaado helitaan dekedaha. Waxaa heshii is afgarad ah kala saxiixday Reysal Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Soomaliland Md.Muuse Biixi Cabdi kaaso tan iyo maalintii shalay oo Axad ahayd booqasho ku joogay dalka Itoobiya ka diib markii uu soo dhammaystay shirkii u dhexeeyey Soomaliya iyo soomaaliland laguna qabtay dalka Jabuuti. Sida laga soo xigtay akhrinta rasmiga ah is afgaradku wuxuu uu u gogol xaarayaa in lagu xaqiijiyo hamiga dalka Itoobiya ee ah in loo xaqiijiyo marinka badda iyo kala duwanaanshaha marinada badda. Ridwaan Xuseen oo ah la taliyaha Amniga ee RW-Abiy Axmed ayaa sheegay in afgaradku uu sidoo kale u gogol xaaraayo helitaanka saldhig Mileteri oo laga kireeyo Itoobiya kuna yaalo Badda Cas.

ISHA/ADDIS STANDARD.

HALKANKA KA SI AKHRISO.