MUSLIMIIN KU SOO BIIRTAY AQALKA KOONGAREYSKA…
(SAWIRKA)-AQALKA KOONGAREES-KA MARAYKANKA.
(USA)-Waxaa todobaadkii hore dalka Maraykanka ka dhacday Doorasho caalamka oo dhan laga wada sugaayey,Doorashada ayaa waxaa isku haayey Labada Xisbi ee dalka Maraykanka ugu tunka weyn ee Dimuqaraadiga iyo Jamhuuriga. Labadaan Xisbi ayaa waxaa musharaxiin u kala ahaay Donald Trump oo ka socday Xisbiga Jamhuuriga iyo Kamala Harris oo ka soctay Xisbiga Dimuqaraadiga,waxaane si aqlabiyad leh ugu guuleystay Xisbiga Jamhuuriga ee Ex-Madaxweyne Trump,waxaane hadda dhici karta in Xisbiga Jamhuuriga ey la wareegaan hogaanka labada aqal ee dalka Maraykanka. Warar ayaana sheegaayo in Xisbiga Jamhuuriga uu ku guuleystay inuu la wareegay aqlabiyadda labada Aqal ee Koongarees-ka iyo Senitar-ka,xubnaha Koongareeska ee la soo doortaya ayaa waxaa ka mid ah afar xubnood oo Muslimiin ah,waxa eyna isugu jiraan kuwa horay uga tirsanaay Aqalkaas iyo kuwa hadda ku soo biiray,hal xubin oo ka mid ah ayaa ah mid cusub halka seddexda kale ey yihiin kuwa horay Aqalka uga tirsanaay.
ISHA-BBC.