MUSIIBO KA DHACDAY ISGOYSKA JUBA EE MAGALADDA MUQDISHO.
(SAWIRKA)-KA GAARI CAASI AH OO KONTEENAR KU DUL DHACAY.
(MUQDISHO)-Wararka laga helaayo caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaayo in halkaasi uu maanta oo Arbaca ah kuna beegan 27/3/24-ka,bisha barakaysan ee Ramadaana ey tahay 17/8/1445-Hijriyadda ayaa waxaa shil dad ku dhinteen uu ka dhacay isgoyska Hotel-ka Juba ee u dhexeeyo degmooyinka Shangaani,Shibis iyo B/dheere ee Gobolka Banaadir. Shilkan ayaa waxaa sababay Konteenar weyn oo saaranaay Gaari kuwa Xamuulka Qaada ah oo ku dul habsaday Gaari Caasi ah oo halkaasi ka qaadayey dad rakaab ah oo u ordaayey iney ka gaarsiiyaan Afurkii,sida la soo sheegay shilka ayaa waxaa ku geeriyooday dad gaaraayo ilaa sideed qofood kuwaaso meydadooda laga soo hoos bixiyey waxaane weli goobta ka socdo Gurmad loo sameynaayo dadka ku hoos jira Konteenarka kaaso aan weli loo helin wax Wiish ah oo ka dulqaada Caasiga burburay. Dawladda Federaalka soomaliyeed iyo Maamulka Gobolka Banaadir ayaan weli midkoodna uusan ku guulaysan in Konteenarka laga dulqaado gaarga Caasiga ah waayo waqtiga oo ah waqti dadka intiisa badan Afur isu diyaarinayeen iyo dhaqdhaqaaqa magaaladda oo aad u yar iyo maamulka Gobolka Banaadir aan qaban wax Wiishash ah oo loogu guramado markey dhacdo Musiibo midaan la mid ah,waxaane weli socdo Gurmad ey sameynayaan dadka shacabka ah ee ka agdhaw goobta ey musiibadu ka dhacday in kastoo la sheegaayo in ciidamadda Amaanka ee ka agdhaw goobta shilku ka dhacay iney kala eryeen dadweynihii isugu soo baxay iney dadka walaalahooda badbaadiyaa,Konteenarka ku dul dhacay gaariga BL-ka ah ayaa waxa uu siday SAFIITO ciidamadda Amaanka ee soo gaaray goobta ayaa bilaabay iney Konteenarka ka guraan Safiitada si loo yareeyo culeyskiisa hadhawne looga dul qaado gaariga Caasiga ah. LA SOCO WIXII SOO KORDHA INSHAA ALAAH.
ISHA/SBM.