MUSEVENI: 54-ASKERI AYAA LAGU DILAY…
MADAXWEYNAHA UGAND MUSEVENI.
(UGANDA)-Madaxweynaha dalka Ugandha Gen.Yoweri Museveni ayaa qoraal uu soo saaray waqti hore oo maanta ah ku sheegay in ciidamadda Ugaandha ee ka tirsan Atmis ee lagu weeraray saldhiga Buulo-Mareer eysan qabanin hawshii looga baahnaay ee laga filaayey,waane ey argagaxeen waxa eyna noqdeen kuwa aan habaysneyn,waxayna taasi keentay in koxda Alshabaab helaan fursad ugu dambaynti u sahashay iney cagta mariyaan saldhiga jejebiyaane qalabki yiilay saldhiga. MW-Museveni oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri”Ugu yaraan 54-askeri ayaa lagu dilay weerarkii dhacay 26/5/23,waxaane uu ahaay weerarkii ugu xumaay uguna dhimahsada badnaay ee lagu qaado Atmis”. Madaxaweyne Museveni ayaa sheegay iney qalad sameyeen laba ka tirsan taliyeyaashiisa ciidan kuna sugnaay saldhiga la weeraray ee Buulo-Mareer eyna ku dhintee askarta,labada taliye ayaa askarta amray in saldhiga dib looga gurto,waxa uuna Madaxweyne Museveni sheegay in labadiisa taliye wajihi doonaan maxkamada ciidamadda,labada taliye ee uu sheegay Madaxweyne Museveni ayaa ah laba Gashaanle lana kala yiraahdo”Oluka iyo Obba”.
ISHA WARKA MONITOR.