SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

MUQDISHO UU KA BILAAWDAY RAAF.

Marka aad maqashid erayga RAAF waxaad soo xusuusanaysaa wixii dhacay sannadkii 1977 waqtigaasoo dalka soomaaliya uu dagaal la galay dalka itoobiya,ujeedada dagaalka ayaa ahaay in xabashidda gacanteeda laga soo xureeyo dhulka soomaaliyeed eey haysato,waxaane magaladda muqdisho iyo mgaalooyinka waa weyn ee dalka laga qaban jiray dhallinyardda waxaane si xoog ah loogu qori jiray ciidamadda xooga dalka soomaaliyeed,dhallinyaradaas ayaa waxaa soo qaban jiray ciidamo loo yaqiin GUULWADAYAASHA oo waxaa waqtigaas jiray in degma kasta kana tirsan gobolka banaadir leheed GUULWADAYAAL ayagaas ayaana soo qaban jiray dhallinyaradda degmooyinkooda si loogu daro ciidamadda qalabka sida loona geeyo goobaha dagaalka,hadaba maamlmihii la soo dhaafay maxaa ka dhacay degmooyinka Shibis,Karaan iyo Yaaqshiid ee gobolka Banaadir?

Ugu horeeyn waxaa mudan inaan is xusuusino in hadda eeysan jirin GUULWADAYAAL balse waxaa hadda jiro ciidamo dhar cad ah kuna hubaysan bistoolado loona yaqaano ILAALADA SHACABKA ciidamadaan ayaa ku jiro booskii Guulwadayaasha oo waxa eey xamar hadda ka wadaan ineey soo qabqabtaan dhallinyaradda ku nool degmooyinkaas aan soo sheegay waxa eeyna dhallinyaradaas ku qasbaan ineey ku biiraan ciidamadda qalabka sida ama in la xiraayo,waxaase wax lala yaabo ah in dhallinyadaas la Raafay lagu sheegay ineey yihiin burcad shacabka muqdisho eey ka soo eed sheegteen taasoo ah marin habaabin xaqiiqadda jirta iyo khalad laga gelaayo xuriyadda dhallinyaradda degmooyinkaas. Ujeedada loo sameeyey ciidamadda Ilaaladda Shacabka ayaa ahayd ineey ka hortagaan dilalka qorsheeysan eey sameeyaan alshabaab balse hadda dhinac kale ayaa loo rogay dantii laga lahaay Ilaaladda Shacabka,waxaane arrintaan ka dhalan doono in magaaladda Muqdisho eey isaga baxaan dhammaan dhalinyaradda degaanka kuna biiraan kuwa ku le’eda badaha.