MUQDISHO: NIN GUBAY XAASKIISA OO UUR LEH.
(SAWIRKA)-MUQDISHO.
(MUQDISHO)-Marka aad joogtid magaaladda Muqdisho waxa aad la kulmaysaa xaalado fara badan si aad ahne u kala duwan,duruufta nololeed ee ka jira caasimadda Muqdisho ayaa ah mida ugu saameynta badan ee laga dareemaayo caasimadda Muqdisho,xaasaska,doobabka iyo dadka da’ada ah ee kuwada nool caasimadda Mqudisho waxa ey si joogta ah u maqlaan arrimo eysan marnaba ku fikirin,arrimahaas waxaa ka mid nin dilay wiil uu dhalay,wiil dilay Aabihiisa oo da’a ah iyo nin dilay xaaskiisa oo caruur u dhashay hadane xaamila ah. Degmada Dharkinley ee G/banaadir waxaa xaaskiisa oo caruur u dhashay hadane xaamila u ah ku gubay ninkii qabay,booliska Soomaaliyeed oo ka hadlay arrintaan ayaa sheegay sababta keenta in ninkaan gubay xaaskiisa ey tahay inuu ka maseyray in kastoo aan la sheegin waxa uu ka maseyray. Magaca ninka gubay xaaskiiska ayaa lagu sheegay Siid Cali Macallin Da’ud,hooyada la gubay ayaa ayadana la yiraahdaa Luul Sheekh C/casiis,hooyada ayaa hadda ku jirta Isbitaalka Digfeer(Erdogan) xaaladeedana waa mid si aad ah looga deyrinaayo.
ISHA/BBC.