MUQDISHO: AFAR ALSHABAAB AH OO LAGU QABTA GARAS-BAALEEY.
(SAWIRKA)-HOGAAMIYAHA KOOXDII ALSHABAAB EE LA QABTAY MAANTA.
(MUQDISHO)-Wararka laga helaayo duleedka caasimadda Muqdisho gaar ahaan halka loo yaqaano GARAS-BAALEEY ayaa sheegaayo in maanta uu halkaasi ka dhacay dil toogasho ah loona adeegsaday Bastoolado,dilka ayaa waxaa loo gaystay sida ey sheegeen dadka degaan Garas-baaleey askeri ka tisan Ciidamadda Xooga Dalka Soomaaliyeed lana yiraahdo XASAN C/QAADIR IBRAAHIM,marxuumka la dilay ayaan hayn wax shaqo ah waqtiga la dilaayey. Haydaha Amaanka ee caasimadda Muqdisho ayaa ku guulaystay iney gacanta ku soo dhigaan afar nin oo mid iyaga ka mid ah uu aad u da’a yar yahay, sida ey sheegeen saraakiisha Amaanka caasimadda Muqdisho afarta nin ee loo soo qabtay dilka Marxuum Xasan C/qaadir ayaa lagu tuhmaa iney ka tirsan yihiin kooxda Alshabaab ee dhawaanahaan looga itaalka roonaaday gudaha caasimadda Muqdisho. Booliska caasimadda Muqdisho ayaa soo bandhigay muuqaalka afarta Eedeysane ee loo haysto dilka Marxuun Xasan C/qaadir. Dhinaca kale, waxaa faahfaahin dheeraad ah ey ka soo bexeysaa qarax xoogan oo xalay ka dhacay duleedka Muqdisho gaar ahaan degaanka Ceelasha Biyaha,Qaraxa ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray ciidamo ka tirsan kuwa DFS gaar ahaan kuwa hayadda NISA. Sida ey sheegeen hayadaha Amniga caasimadda Muqdisho Qaraxa ayaa ahaay miino dhulka la geliyey taaso lala eegtay gaari Cabdi Bila ah ey la socdeen ciidamadda NISA,dhimashada ayaa lagu sheegay iney dhan tahay ilaa seddex askeri halka dhaawaca uu dhan yahay ilaa afara askeri,weerarkaan ayaa waxaa sheegtay kooxda Alshabaab.
ISHA/SB-MEDIA.