SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

MUHAAJIRIIN LAGU LA’AYAHAY XEEBAHA DALKA…

(SAWIRKA)DOOMO KU GADOOMAY XEEBAHA TALYAANIGA.

(LONDON)-Waxaa meydadkooda la soo helay qof dumara iyo cunug yar waxaane la al’ayahay 31-qofood oo kale ka dib markii ey gadoomeen laba doon habeen barkii xalay xeebaha dalka Talyaaniga,sidaas waxaa maanta oo Axad ah warbaahinta maxaliga ee Talyaaniga. Ilaalada xeebaha dalka Talyaaniga ayaa soo badbaadiyey 57-qofood oo muhaajiriin ah ka dib markii ey la gadoomeen doomihii ey la socdeen agagaarka magaalo xeebeedka Talyaaniga ee Lampedusa,sidaas waxaa sheegtay Wakaaladda Wararka u faafiso dalka Talyaaniga ee ANSA. Labada doon ee gadoomay ayaa kala siday 48-qofood iyo 42-qofood oo muhaajiriin ah,dadkaan ayaa la sheegay iney ka soo safreen saxaraha Qaaradda Afrika sida ey sheegtay ANSA,marka laga soo bilaabo horaantii sannadka-2023-ka ilaa bishii dhammaatay ee Luuliyo-2023-ka dalka Talyaaniga waxaa tahriib ku soo gaaray dad dhan 85-kun qofood oo muhajiriin ah.

ISHA/SB-MEDIA.