SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

MUHAAJIRIIN KU HOOBATAY XEEBAHA LIIBIYA.

(LIIBIYA):In ka badan boqol iyo lixdan(160)-qofood ayaa dooon kula degtay xeebaha dalka Liibiya laba dhacdo oo kala duwan oo dhaceen todobaadkii la soo dhaafay.Xafiiska qaramadda midoobay u qaabilsan muhaajiriinta(IOM) sida uu sheegay shilalkaas halista ah ayaa ka dheceen badda Miditereeniyaanka waxaane shialakkaas masuul ka ah kuwa doonaayo ineey qaaradda Yurub ka noqdaan Qaxooti si eey halkaa uga helaan nolol dhaanta midii eey ka soo tageen.Safa Mslehi ahne afhayeenka hayadda caalamaiga ah ee muhaajiriinta ee loo yaqaano (IOM) ayaa sheegtay in ugu yaraan boqol iyo labo(102)-qofood eey dhinteen ka dib markii doon ka sameeysan alwaax la degtay maalintii Jimcaha ee ina soo dhaafaty waxaane la soo badbaadiyey sideed kale lana keenay xeebta dalka Liibiya.Doon kale kana sameeysan alwaax ayaa ku degtay xeebaha dalka Liibiya maalintii Sabtida ee la soo dhaafay waxayna ciidamadda ilaaladda xeebaha ee dalka Liibiya soo heleen meydad dhan lixdan iyo labo(62)-qofood,isla maalintaas ayey ciidamadda ilaaladda xeebaha ee Liibiya is hortaageen doon ka sameeysan alwaax eeyna saaran yihiin boqol iyo labaatan(120)-qofood oo qaxootinimo ugu socotay Yurub.ISHA GURDIAN.

HALKAAN KA SII AKHRI.