SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

MUDUG: XASUUQ LOO GAYSTAY ALSHABAAB.

(SAWIRKA)-WASIIRKA WARFAAFINTA DFS DAA’UUD AWEYS JAAMAC.

(GALMUDUG)-Maamuladda Galmudug iyo Hirshabeele waxaa si xawli ah weli uga socdo dagaalka looga soo horjeedo kooxda Alshabaab,dagaalkan ayaa hadda galay sannadkiisi koobaad waxaane hogaanka dagaalka gacanta ku haayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Dr.Xasan Sheekh Maxamuud oo hadda saldhig ka dhigtay xarunta dawlad Goboleedka Galmudug ee Dh/mareeb. Maalintii Jimcaha ayey ahayd in ciidamadda Xooga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaayo kuwa degaanka iney weeraraan degmada Bacaad-Weyn ee Koonfurta Gobolka Mudug laakinse taasi ma eysan dhicin oo kooxda ayaa isku dayday iney Qarax ku khaarijiso Madaxweynaha Galmudug Md.QoorQoor balse MW-QoorQoor ayaa isku dayga dilkaasi ka badbaaday waxa uuna hadda ku sugan yahay caasimadda Muqdisho isaga iyo Xildhibaan Dhabanacad halka Senitar Cabdi Qeybdiid loo qaaday dalka Turkiga si halkaasi loogu soo baaro caafimaadkiisa. Hadaba hawlgaladii ka socday koonfurta Gobolka Mudug ayaa kooxda looga fara maroojiyey degaanada kala ah{Bacaad-Weyn,Qeycad,Camaara,Xinlabi,QodQod,Sarda,Shabeelaw,Huldoonyaale,Galxare}.

ISHA/HIIRAAN ONLINE.

HALKAN KA SI AKHRISO.