SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

MUDANE C/KARIIM XUSEEN GUULEED OO LOO…

MUDANE C/KARII XUSEEN GUULEED.

(MUQDISHO)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Mudane C/kariim Xuseen Guuleed Madaxweynihii hore ee Galmudug inuu noqdo Ergayga arrimaha Somaliland. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay sida ey uga go’an tahay Dawladda Federaalka xaqiijinta midnimada iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed si taas loo gaarane waxa ey u baahan tahay talo wadaag,is dhegaysi,wada hadal iyo in xal waara laga gaaro tabashooynka jira ey qabaan walaalaha ku nool Gobolada Waqooyi ee Soomaaliland. Mudane C/kariim Guuleed ayaa ah nin khibrad wanaagsan u leh arrimaha dib u heshiisiinta,xalinta khilaafaadka iyo marxaladihii kala duwanaay ey soo mareen wada hadalada u dhexeeyo Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Somliland. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fedraalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si deg deg ah u faray Ergayga inuu diiradda saaro sidii loo amba qaadi lahaay wada hadaladii u dhexeeyey Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland isagoo qaadanaayo doorkiisa hogaamineed ee ku salaysan xal u helida caqabadaha ku gadaaman wada hadalada.

ISHA WARKA SB-MEDIA.