SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

MUCAARADKA OO SABTIDII KU SHIRAY NAIROBI.

(SAWIRKA)-MUCAARADKA DFS.

(NAIROBI)-Dalka Kenya waxa uu ka mid yahay wadamadda Soomaaliya la deriska ah,waxaane dalkaasi Kenya ku nool Meheradane ku leh dad Soomaaliyeed oo aad u fara badan,Nairobi oo ah caasimadda dalka Kenya ayaa GARAS BAJIINO u ah siyaasiyiinta markaas ka soo horjeedo dawaladda ka jirta Soomaaliya. Ma kala gedisana siyaasiyiinta hor booda siyaasadda Soomaaliya 20-KII sano ee ugu dambeysay ee waa isla kuwii shalay aan naqiin mana aha wejiyo ku cusub shacabka Soomaaliyeed ee daneeya siyaasadda dalka Hooyo ee Soomaaliya,iney Nairobi fariistaan Wiiftana ka soo saaraan agtooda kama aha wax ceeb ah ayagoo heli karay iney ku shiraan gudaha caasimadda dalkooda ee Muqdisho laakinse waxaa halkaasi laga akhrisan karaa iney jirto sabab keeneysa iney Nairobi tagaan kulamana ku yeeshaan halkaas,mar waxa aad is leedahay waa la marti qaaday lana dejiyey Hotelo casri ah ka dibne loo soo dhiibay AJANDE SHISHEEYE,marne waxa aad is leedahay dhibaato dhaqaale awadeed ayey u shaxaat tageen Ganacsatada ku heybta ah ee Nairobi u shidan tahay,intaas ka soo gudub,magaaladda Nairobi waxay noqotay halka laga soo jiheeyo siyaasadda wareersan ee aan salka lahayn eyna hor boodayaan siyasiyiinta aan isbedelin. Marka laga soo bilaabo doorashadii 2012 ilaa midii u dambaysay ee 2022-kii intuba Nairobi ayey ka soo burqaneysay jiheyntooda,fadhigii siyaasadeed ee ugu dambeeyey kana dhacay Nairobi waxa uu dhexeeyey MW-Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif waxaane shirkaas garwadeeno ka ahaay Ganacsato Madaxdaasi ku heybta ah,ma uusan Guuleysan balse waa la wada hadlay.

ISHA/CAASIMADDA.

RIIX HALKAN.